Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

maamulka k/g ayaa markii uGu horeysey ka hadlay dhibaatooyinka ka Jira g/shabeelaha hoose

Maxamed Sheekh Cumar, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar la yahay wax ka qabashada falalka xun xun ee gobolkaas laga soo sheegayo, islamarkaana ka maamul ayaan ay dhowaan ka qaban doonaan howlo adag shabeeelaha hoose.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay dhowan masuuliyiin ka socda Koonfur galbeed gaaridoonaan Magaalada Marka, islamarkaana ay halkaas ka sameyn doonaan ciidan suga amniga magaaladaas.sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Marka in loo diidey in uu ka shaqeeyo degmada isaga maamukii K/G soo magacowday,ayna degmada haystaan maleeshiya beeleed marba shaadh gashada.

Wuxuu xusay in  Beelaha isku haya gobolkaas ee marar badan ay soo laalaabatay colaadooda ayuu sheegay in sida ugu dhasiyaha badanleh ay u tagi doonaan Marka gudi loo saaray xalinta khilaafaad beeleedyada halkaas ka jira, kuwaas oo dhalindoona xal waara.

Maalmihii u dambeeyay waxaa soo baxayay weeraro ay isku qaadayaan maleeshiyaad ka kala tirsan beelaha isku haya Marka kuwaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac badan,

Gabagabadii maamulka Dowladda dhexe ugu magacaaban gobolka Shabeelaha hoose ayaa dhankiisa quus ka noqday wax ka qabashada xaaladdaha gobolkaas, isagoo warbaahinta ka cadeeyay in beelo isku haya halkaas ay maamulkiiba ka eryeen marka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *