Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxii Canshuuraha Ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Xubno kale Oo loo Xiray Eedo Musuq.

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xarunta Dambi baarista CID-da lagu xiray Cabdimaalik Yuusuf oo ahaa Madaxa canshuurta cargo iyo Jaadka kasoo dega garoonka Muqdisho.

Cabdi Maalik iyo 3-xubnood oo kale ayaa la sheegay in xafiiska Hanti dhowraha Qaranka uu kusoo eedeeyay musuq maasuq, waxaana xubnahan la xiray ku socda baaritaano laamaha amaanka gaar ahaan kuwa Musuq maasuqa la dirira ku wadaan.

Mas’uuliyiinta la xiray ayaa kala ah:

1 Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik

2 Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde, Cabdiweli

3 Ninkii qaabilsanaa tirinta Qaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan.

4 Madaxii Qeybta xisaabaadka ee Garoonka Cabdirisaaq

Xafiiska Hanti Dhowraha Qaranka ayaa la sheegay in baaritaano iyo dabagal kadib ay ku ogaadeen in xubnahan la xiray ay ku howlanaayeen musuq maasuq iyo wax isdaba marin, waxaana la filayaa in dadkan maxkamad lasoo taago.

Cabdimaalik Yuusuf oo ah Milkiilaha Idaacada Shabelle ayaa mudooyinkii dambe ahaa shaqaale katirsan Wasaarada Maaliyada gaar ahaan qeybta canshuuraha uu u qaabilsan garoonka gaar ahaan canshuurta laga qaado jaadka Muqdisho kasoo dega.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *