Madaxwaynaha Cusub ee Puntland oo Xilka kala wareegay madaxweyne cabdi weli gaas
|Aqalka Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe waxaa ka dhacday munaasabad uu xilka kula wareegayo madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Siciid Cabdulaahi Deni.
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa si rasmi u wareejiyey xilka madaxweynaha Puntland kaas oo uu muddo shan sano soo hayay.
C.wali gaas ayaa sheegay inuu si niyad ah shacab weynaha Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed uga dalbanayo inay cafiyaan.
Madaxweynaha cusub Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa salaan sharafeed ka qaatay Cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida Puntland, kadibna Madaxweynihii hore Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa calanka Puntland ku wareejiyey Madaxweynaha la doortay ee Siciid Cabdullahi DENI.
Ugu dambayntii Madaxweyne Deni ayaa Ciidamada qalabka sida faray inay Amniga dalka xoogga saaran ilaalintiisa, waxaa kaloo uu shacabka Puntland ugu baaqay inay canshuurta bixiyaan.https
![](http://kalshaale.ca/wp-content/uploads/2019/01/1-13.jpg)
![](http://kalshaale.ca/wp-content/uploads/2019/01/2-15.jpg)
![](http://kalshaale.ca/wp-content/uploads/2019/01/4-6.jpg)