Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxwaynaha Galmudug oo Garoowe lagu soo dhoweeyay & Shir ka furmaya

 Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa soo dhoweeyay Wafdiga Madaxweyne Qoorqoor oo ay ka mid ahaayee Xildhibaano, Senataro iyo Wasiiro ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug.

Axmed Qoorqoor ayaa magaalada Garowe uga qeyb galaya shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee sanadlaha ah ee ay soo qaban qaabiso Machadka Hiratage.

Shirkan sanadkan ayaa ajandihiisu yahay Sidee 2025 looga bixi karaa Kumeel gaarnimada iska socota, si dalka u helo Dastuur dhameystiran, doorasho qof iyo cod iyo Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

Shirka ayaa waxaa ka mid ah xubnaha lagu casuumay qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada, inkastoo kuwa qaar ka cudur daarteen sida Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

Waxaa kaloo shirka ka qeyb galaya Guddoonka labada Aqal, Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Marti sharaf kale.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *