Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxwaynaha Hirshabelle oo Wasiiro Eryay iyo Kuwa uu magacaabay

adaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirka Amniga Cabdiqaadir Aadan Jeelle iyo Wasiirka Warfaafinta dowlada goboleedka Hirshabelle Cabdiweli Muxumad Cabdi.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa wareegto uu xilalka uga qaadayay mas’uuliyiintan kuwo cusubna u magacaabay ka hor Aqriyey warbaahinta afhayeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro.

Wasiirka Amniga ayaa loo magacaabay Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre halka Wasiirka warfaafinta Hirshabelle loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed.

Sidoo kale waxaa Madaxweynaha Hirshabelle u magacaabay Wasiiru  Dowlaha Hubka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Abuukar Macalin Rashiid halka  Wasiiru dowlaha Qorsheynta Xiriirka caalamiga ah loo magacaabay Cabdirizaq Aadan Geeddi.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *