Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxwaynihii hore Koonfur Afrika iyo Wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimid Muqdisho

( Kalshaale ) Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koofur Afrika, mudane Thabo Mbeki oo  hoggaaminaya Guddi heer sare ah oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika ayaa soo gaadhay Magaalada Muqdisho.

Waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga  Danjire Axmed Ciise Cawad, wakiilka Soomaaliya u fadhiya Xoghayaha guud ee QM James Swan, u qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira iyo madax kale.

Sida wararku sheegayaan Guddigan heerka sare ee uu hoggaaminayo Mr Thabu Mbeki ayaa waxaa ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda dowladda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ay wada hadalo la yeesheen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya, waxayna kala hadleen Arrimaha nabadda, xasilloonida, is dhex galka iyo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika, Arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *