Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxwaynaha Puntland oo Safarkii Muqdisho uga Warbixiyey Golaha Wasiiradda

Madaxweynaha maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada ee  Dawlad Goboleedka Puntland.

Siciid Deni ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay warbixin ku saabsan safarkiisii Magaalada Muqdisho iyo xaaladda uu dalku marayo.

Shirkii magaalada Muqdisho ee Madaxda DF Soomaaliya iyo Maamulada ayaa lagu kala tagay, iyadoona Xukuumaddu ay arintaasi ku eedaysay Puntland iyo Jubbaland.

Balse Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe iyo Kismaayo ayaan Weli warbaahinta la hadlin, Sidoo kalana waxaa la sheegay in Siciid deni uu maalinta Sabtida Kulan la yeelan doono Baarlamaanka Puntland.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa  Soo dhowaysay go’aankii Baarlamaanka,   ee Muddo kordhinta loogu sameeyay Hay’adaha dawladda, Arintaasi oo  Mucaaridku ay ka hor yimaadeen.

Balse ilaa hada ma Muuqato Rajjo wanaagsan oo ah in Shir dambe ay isugu yimaadaan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *