Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxwayne Farmaajo oo Gaadhay Itoobiya iyo Shirka uu ka qayb gelayo [Sawirro]

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Goor dhowayd soo gaadhay  magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa uga  qeyb-galaya Meertada 33-aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo ku qabsoomaya Addis-Ababa.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa bilihii u dambeeyay safarada ugu badan ku tagayay magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa, oo Madaxda labadaas dal ay ku mideysan yihiin isbaheysi saddex geesood ah oo iskaashiga dhaqaalaha iyo is dhex galka saddexda dal ee Somalia, Eritrea iyo Itoobiya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *