Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxwayne Farmaajo oo Kulan Muqdisho kula Qaatay Madaxda Maamulada iyo Xiliga Shirku Furmayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxdan ayaa o si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.

Kulankan qado sharafeedka ah waxaa ka qayb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Islaan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud.

Kulan dhexmaray Madaxwayne Farmaajo iyo maamulada ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Samareeb-3 oo Muqdisho ka  furmi doona 12-ka bishan.

Kalshaale.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *