Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxwenaha dowlada federalka somaliya mr farmaajo ayaa ka hadlay raiisal wasaaraha cusub ee uk

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Boris Johnson oo ku guuleystay jagada Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska.

Johnson oo mar soo noqday duqa caasimadda London ayaa xilkan kaga guuleystay wasiirka arrimaha dibadda ee Jeremy Hunt.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska in uu ku guuleysto waajibaadka cusub ee uu ku hoggaamin doono Boqortooyadda Ingiriiska.

“Waxaan eegaynaa in aan kula shaqeyno si aan u xaqiijinno mustaqbalka wanaagsan ee aragtida labadeena dal.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo qoraal kooban ku baahiyay bogga twitterka.

Ra’iisul wasaare Boris Johnson , oo horey isaga casilay wasiirka arrimaha dibadda ayaa bartamihii bishii March ee sannadkii 2017ka booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho, xilligaa oo uu la kulmay madaxweyne Farmaajo.

Maalinta Arbacada ayuu la wareegi doonaa Boris Johnson , xafiiska ra’iisul wasaaraha Ingiriiska – isagoo xilka ka beddelaya Theresa May oo shaqada ka tagtay markii ay wadi wayday barnaamijka ka bixitaanka Midowga Yurub ee Brexit, iyada oo caqabada ugu weyn ee horyaalla ra’iisul wasaaraha cusub ay ka mid tahay meelmarinta heshiiska bixitaanka Midowga Yurub oo ra’iisul wasaareyaal iyo wasiirro ay isku casileen.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *