Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxwenaha somaliya oo weheliyo ra iisal wasaaraha somaliya ayaa qaabilay weftiyo ka socda bank aduunka iyo saraakiil boolisa oo u dhashay dalka maraykanka

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa  kulan la qaatay Mr Saroj Jha iyo Mr Amara Konneh oo ka mid ah saraakiisha sare ee Bankiga Adduunka ugu qaabilsan barnaamijyada horumarinta ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya.

Madaxweynaha ayaa saraakiisahaasi ka socotey Bankiga Adduunka oo uu wehliyo Wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Mr Hugh Riddell uga warbixiyey xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka laga sameynayo.

Madaxda Bankiga Adduunka ayaa ballanqaadey inay ka go’an tahay inay si buuxda Soomaaliya ula shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo inuu dalku ku najaxo barnaamijyadiisa kobaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska kaabeyaasha.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay kula la yeesheen saraakiil ka tirsan booliska dalka Mareykanka oo dalka u yimid xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa booliska labada dal.

Saraakiisha ka socotey Mareykanka oo kala ah Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in dowladda Mareykanka oo horeyba dhinaca tababarada ka caawineysey Soomaaliya, ay haatan diyaar u tahay inay bilowdo barnaamijyo ay labada dal isku weydaarsanayaan khibradaha shaqo iyo tiknoloojiyadda casriga ah.

sarakil

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *