Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweynaha Galmudug oo ka ambabaxay Garowe isaga oo ku sii jeeda Nairobi

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ka duulay Garoonka Diyaaradaha G.Maxamed Abshir kadib markii uu fashil ku idlaaday Shirkii Wadatashiga ee Magaalada Garowe.

Madaxweynihii hore ee Puntlanad Faroole, xubno ka tirsan Golaha Barlamaanka iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada DG Galmudug ayaa Ka sagootiyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garowe.

Xaaf oo si kooban Saxaafadda u la hadlay ayaa sheegay waxyaabaha la isku fahmi waayay inay ka mid yihiin arrimaha Galmudug, Sharci Doorashooyinka, Sharciga Patroolka & Kan Khayraadka.

Waxa uu sheegay dowladda Somaliya inaysan wax jixin jix ah qodobadaasi aaney ka muujin oo aysan tanaasulin, sidaasi awgeedna Shirka uu noqday mid fashilmay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu gaari doono saacadaha soo socda

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *