Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha jubbaland axmed islan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada kismaayo

1-4Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee  Jubbaland xili maalmahii lasoo dhafay uu safar shaqo ugu maqnaa qaar kamid ah dalalka dibada.

Xubno katirsan labada gole ee maamulka qaar kamid ah Xildhibaanada la doortay ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu maalmahii lasoo dhafay uu Safar shaqo ku joogay Magaalada Addis Ababa halkaas oo uu kula kulmay Madaxda Dalka Itoobiya oo uu kala hadlayay iskaashiga labada dhinaca ee dhinaca nabadgalyada iyo hawlaha doorashooyinka ee dalka kasocda sidii Dowlada Itoobiya ay uga gacan siin lahayd Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya hawlaha nabadgalyada maadama meelo badan oo dalka kamid ah ay joogaan Ciidamada Itoobiya oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *