Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha jubbaland axmed islan ayaa tababar u xiray ciidamo tababar dheeraada qaatay

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo Tababar ugu soo xiray Ciidamada gaarka ah ee Ilaalada Madaxtooyada, kuwaasoo si gaar ah loo tababaray.

Ciidamadan ayaa muddooyinka tababar uga socday mid ka mid ah xeryaha ciidamada, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland uu khudbad dar daaran ah u jeediyay ciidankan tababarka loo soo gaba gabeeyay.madaxweynuhu wuxuu ciidamadaasi kula dardaarmay iney lahaadaan dushana saartaan mashuuliyad dheeraada iyo feejignaan.

Sidoo kale waxaa  la idinka baahan yahay inaad waajibaadkiina gudataan, waxaa ilaalineysaan muraayadii Jubbaland iyo madaxdii ugu sareysay, waxaa la idinka baahan yahay dadaal iyo juhdi, inaad ka fogaataan mukhaaraadka iyo balwadaha, salaadana aad ku dadaashaan”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Imaaraadka Carabta iyo daalka Midowga Yurub ayaa dhowaan ciidamo u tababaray Maamulka Jubbaland, waxaana maamulka isku diyaarinayaa inuu guluf dagaal ku qaado xooggaga Al-Shabaab ee gacanta ku haya qeybo ka mid ah Jubbooyinka.

1 2 4 5

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *