Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha jubbaland ayaa cafis u fidiyey maxaabiis reer jubbaland

madobiMadaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa cafis u fidiyey qaar kamid ah Maxaabiistii ku jirtay xabsiyada Jubbaland, gaar ahaana magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegay in tanni loo sameeyey bisha Barakeysan ee Ramadaan fadligeeda.

Madaxweynaha Jubbland ayaa sheegay in xurmada iyo fadliga bisha Ramadaan uu cafis u fidiyey  maxaabiista ku jirta xabsiyada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbland Hoose Haddana ah caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka jubbaland.

Cafiskan waxaa lasiiyey oo kaliya dadka loo hayso dambiyada fudud oo aysan ka mid aheyn kuwa culus ee dilalka ah iyo qorsheynta weeraro Argagixiso.

Dhanka kale madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Maxamed islaam ayaa laamaha ammaanka ugu baaqay in ay adkeeyaan amniga deegaanada maamulka Jubbland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *