Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha maraykanka ayaa xilkii ka qaaday xoghayihii arimaha dibada ,cia u magacaabaay gabar

Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda Rex Tillerson.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku shaaciyay in Mike Pompeo oo ahaa Madaxii CIA-da uu u magacaabay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, isla markaana uu qaban doono howlo cajiib ah.

Donald Trump ayaa uga mahad celiyay shaqadii uu soo qabtay Mr Tillerson, mudadii sanadka aheyd uu hayay xilka Xoghayaha Arrimaja Dibadda Mareykanka

Sidoo kale waxaa uu xilka CIA-da uu u magacaabay Gina Haspel oo noqon doonta Haweeneydii u horeysay ee xilka CIA loo magacaabo.

Xil ka qaadista Mr Rex Tillerson ayaa aheyd mid lama filaan ah, iyadoo dhowaan uu soo gabagabeeyay booqasho uu ku kala bixinayay dalal ka tirsan Qaaradda Afrika.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *