madaxweynaha p/land ayaa magaalada garoowe ka furay carwo buugeed
|Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Abshir Aw Yusuf ayaa maanta magaalada Garowe ka furay munaasabad lagu Bandhigga Buugaagta oo markii labaad lagu qabanaayo magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.
Madaxweyne Cabdiweli oo maanta si rasmi ah u furay carwada Bandhigga Buugaagta ayaa sheegay in carwadatani tahay mid la rabo in sare loogu qaado , hal abuurka iyo qoraaga somaliyeed sidoo kale looga faaiidaysto wax soo saarka bulshada ku nool Puntland.
Munaasabada lagu furaayey Bandhigga carwad Buugaagta ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiiro xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, aqoonyahano, qorayaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Xafladda ayaa waxaa soo qaban-qaabisey hay’adda Cilmi baarista ee SIDRA iyo shirkadda Daabacaadda ee ScanSom.
Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay in ka badan 570 buug oo ay qoreen Qoreyaal Soomaali iyo Ajaanib oo intooda badani ku hadlaan afka somaliga qorayna buugaag af somali ku qoran
Hoos ka Daawo Sawirada:-