Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay agaasime waaxeedyada wasaarada kaluumaysiga

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 23 August 2018 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 110 August 23, 2018, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Dowladda Puntland

Markay tixgeliyey:                Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Waxuu Xeeriyey:

  1. WaxaaMaxamed Siciid Maxamed (Black)loo magacaabay Agaasimahad Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.
  1. WaxaaMaxamed Cali Muuseloo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga iyo Horumarinta ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.
  1. WaxaaDaahir Faarax Xuseenloo magacaabay Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Cilmi Baarista ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.
  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *