Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha puntland dr cabdiweli gaas oo garoowe ku qaabilay hayada unsom

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kula kulmay xarunta Madaxtooyada Puntland wafdi uu Hoggaaminayay Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland, Aaward Bell.

C/weli Gaas iyo Wafdiga, ayaa ka wada-hadlay Doorashada Puntland, ka socda, Abaaraha darran ee ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya iyo Xaaladda guud ee Siyaasada Dalka, sida lagu sheegay Warbixin kaso baxay Xafiiska Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, Warbixintaan ayaa lagu yiri. Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas Wuxuu Aaward bell oo ah madaxa xafiiska UNSOM ee Puntland ugu mahad-celiyay sida dhaw ee uu ula socdo Doorashada ka socota Puntland iyo Abaaraha ka jira Deegaannada Somalia.”

Dhinaca kale, Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa warbixinta ku sheegay inuu intii uu Kulanku socday looga hadlay in Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ay si Dhaw ula socdaan dadaallada at Puntland ugu jiro hir-galinta Nidaamka Axsaabta badan ee salka u ah Dimuqraadiyadda.

Ugu dambeyn, Warbixintan ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu Wafdiga ka socday xafiiska uu warbixin dheer ka siiyay Abaaraha ka jira Puntland, isagoo xusay inay muhiim tahay in Beesha Caalamku ay ka Qayb-qaadato taaageerana muuqatana ka geysato u gargaaridda dadka ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *