Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha puntland Dr cabdiweli maxamed cali gaas oo dib ugu soo laabtay puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa  maanta dib ugu soo laabtay magaalada Bosaaso ka dib safar shaqo oo dhowr maalin qaatay ,kaasi ooo dalka dibadiisu uu  ugu maqnaa.sida dalka Itoobiya iyo iImaaraadka carabta.

Waxaa madaxweynaha soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan laamaha dowladda sida wasiiro saraakiil ciidan maamulka gobolka bari iyo dadweyne fara badan

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu Garoonka ka soo degay ka hadley saxaafadda, colaada Gaalkacyo ka taagan ayuu ku eedeeyey Dawladda Federaalka Soomaaliya.

” Gaalkacyo waxaa laga wadaa dagaalo, dagaalkaasoo aan aheyn mid laga soo abaabulay cadaado, meeshaa dalka lagaga soo duulayo waa Xamar, waxa ku soo duulaya oo shidada wadana waa Dawladda Federaalka Soomaaliya”Ayuu yiri madaxweyne Gaas.

”Doorashooyin baa laga hadlayaa iyo in dawladd la dhiso, isbadal dowlina yimaado, dabcan cadow duulaan kugu ah hadde si wax loola dhisanayo oo dawladd loola wadaagayo garan maayo runtii ” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynuhu

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *