Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweynaha Puntland iyo Wefti Uu Hogaaminayo oo Kismaayo U Ambabaxay.

Madaxweynahaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta 02 Sep 2018 u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaadhka ah ee maamulka Jubbaland.

Weftiga Madaxweynaha ayaa magaalada Kismaayo kaga qayb gelidoona shirka Golaha Dowladdaha xubnaha ka ah Dowwladda Fadaraalka ee Soomaaliya. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shirka Golaha Dowladdaha xubnaha ka ah Dowwladda Fadaraalka ee Soomaaliya ee Kismaayo ka furmidoona looga arinsandoono arrimo badan oo muhiim ah, si gaarana u khuseeya maamul goboleedyadda, si guudna Soomaaliya.

“Waxaan maanta safar shaqo u aadaynaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meelgaar ka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo aan kaga qayb gelayno shirkii mashadasha dawlad goboleeyada Soomaaliya, Insha Allah waxaan rajaynaynaa in shirkaasi lagaga hadlo arrimo badan oo muhiimah, si gaarana u khuseeya maamul goboleedyadda, si guudna Soomaaliya ugu saabsan”. Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in shirka lagaga hadlidoono arrimaha amaanka, doorashooyinka, dastuurka, qaybsiga khayraadka dalka, iskaashiga maamulada dalka iyo dawladda Fadaraalka iyo dhammaystirka arrimo badan oo shirarkii hore looga hadlay. Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shirku socon doono muddo sadex cisho ah, isla markaana, waxa uu Madaxweynuhu shacabka iyo masuuliyiinta Dowladda Puntland-ba kula dardaarmay inay ilaaliyaan nidaamka, xasiloonida, nabada iyo horumarkooda.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *