Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweynaha Puntland oo Agaasimaha Guud u magacaabay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland.

51

Madaxweyne Dr Gaas ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Puntland u magacaabay,Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo horay u ahaa Agaasimaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Wasaaraddaasi.

Halkaan ka akhriso digreetada.

Xeer Madaxweyne Lr. 27. February 26, 2018, kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu Qiimeeyey: Aqoontiisa iyo Khibradiisa Shaqo.

Markuu Tixgeliyey: Tala soo Jeedinta Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Puntland.

1. Waxaa Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) loo magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *