Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha puntland oo dalka shiinaha kula kulmay madax ka socota shirkado danaynaya iney maalgashadaan puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Shiinaha gaar ahaan caasimadda ganacsiga waddankaasi ee Shanghai ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan  Dawladda Shiinaha sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Khayraadka, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dekedaha, Wasaaradda Ganacsiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasaaradda Technology-yadda iyo Science-ka iyo ganacsatada dalkaasi Shiinaha.

Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle “Indha gurran”, Wasiirka Dekedha, Gaadiidka Badda iyo Ladagaalanka Burcad Badeeda Siciid Maxamed Raage, Wasiiru Dawlaha Kalluumaysiga Dawladda Puntland Cabdiraxmaan Kulmiye, Agaasime Ku Xigeenka Hay’adda Macdanta Puntland Cabdicasiis Maxamuud Cali “Xaaji Sayn” iyo Kaaliyaha Madaxweynaha Dawladda Puntland Mukhtaar Cabdisalaam.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo qaaday sidii loo abuuri lahaa xiriir dhaqaale oo xoog leh oo dhex mara Dawladda Puntland iyo Dawladda Shiinaha, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii Dawladda Shiinaha ay uga caawin lahayd Dawladda Puntland wax soo saarka kalluunka iyo warshadaha, iyo sidii maalgashi loogu samayn lahaa dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa masuuliyiinta Dawladda Shiinaha faah-faahin buuxda ka siiyay khayraadka kala duwan ee ay Dawladda Puntland haysato iyo in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay u diyaarsan yihiin inay soo dhoweyso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa deegaanada Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tan iyo markii la doortay ku howlan sidii uu horumarin ugu samayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo dar-dar gelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda guud ahaan deegaanada Dawladda Puntland.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img-20161128-wa0126img-20161128-wa0146img-20161128-wa0147img-20161128-wa0148img-20161128-wa0149img-20161128-wa0150

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *