Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha puntland oo kulan sagootin ah kula yeeshay magaalada garoowe wakiilka dalalka yurub u qaabisanaa ee wakhtigiisii dhamaaday

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta   Madaxtooyada kulan sagootin ah kula yeeshaywakiilka Midowga Yurub u fadhiyey Soomaaliya Ambassador Michael   oo au dhamaatay wakhtigii uu somaliya joogi lahaa.

Kulanka Waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Maxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf iyo madax kale, waxaana looga hadlay kulanka intiisii badnayd wadashaqayntii ka dhexaysey dawladda Puntland iyo xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa Ambassadorka guddoonsiiyey hadiyado ka kooban waxyaabaha ay hiddaha iyo dhaqanka u leeyihiin ummadda Soomaaliyeed Sida alaabahda laga qoro dhirta  cimaamadda rishwaanta oo lagu maamuuso qofka la qiimaynaayo..

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Michael Carvone uu muddadii AFARTA sanno ahayd ee uu xilka hayey uu Midowga Yurub ka hirgeliyey Puntland mashaariic badan oo horumarineed, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay wax badan ka qabteen.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu uga Mahadceliyey Ambassadorka mashaariicdaasi horumarineed ee uu ka fuliyey Puntland, isla waxa uu ugu hambalyeeyey shaqada cusub ee loo beddeli doono, isagoona Madaxweynuhu xusay in ay soo dhoweynayaan cidda kale oo loosoo magcaabi doono xafiiska Midoga Yurub ee Soomaaliya ayna ka filayaan saaxtinimo fiican iyo shaqo wanaag.

Dhinaca kale Ambassador Michael Carvone ayaa Madaxweynaha dawladda Puntland uga Mahadceliyey sidii wanaagsanayd ee ay usoo wada shaqeeyeen muddadii uu xafiiska joogey,

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *