Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha puntland oo u ambabaxay dalka itoobiya

Sidii caadada u ahayd madaxda somalida ,markasta oo ay kulan ka yeeshaan arimaha dalkooda ,waxaa shardi ah iney warbixinta shirka geeyaan Addis Abbaba .haddaba  Wefti uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas] ayaa Maanta u dhoofay Dalka Ethiopia, halkaas oo ay uga qayb-galayo shirar Canacasiga iyo Amniga Afrika la xiriira.

Cabdiweli Gaas iyo wafdigiisa ayaa waxaa sii sagootiyiay ku-xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Camey, Guddoomiyaha Baarlmaanka, Axmed Cali Xaashi iyo xubno ka tirsan maamulka Puntland.

Sidoo kale, C/weli Gaas ayaa sheegay in Addis-Abba ay isaga iyo wafdigiisa kulammo la xiriira Ganacsiga kula yeelan doonaan Madaxda Itoobiya, sidoo kalena uu ka qayb-galayo shirka looga hadlayo arrimaha Amniga Afrika.

Madaxweyne Gaas ayaa intaas ku daray in shir ku saabsan Amniga Qaaradda Afrika oo socon doona laba maalmood uu uga qayb-galayo Itoobiya, kaasoo uu sheegay inuu qayb ka yahay xoojinta amniga guud ee Qaaradda.

“Waxaan muddo labo maalmood ah ka qayb-geli doonaa shirkii Tana Forum oo ay isugu imaanayaan madax badan oo Afrikaan ah, looga xaajoon doono xaaladda amni ee Qaaradda Afrika oo aan ogahay annaga qudheenna inaanu xaalad gaar hadda ku jirno. Waxaana Rajeynayaa inuu noqon doono mid si dhaw looga hadli doono Xaaladda Amni ee Somalia iyo gaar ahaan Puntland,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Gaas.

Ugu dambeyn, Itoobiya oo saamayn ku leh dhaq-dhaqaaqa Somalai ayaa mar walba oo ay so dhawaato doorashooyinka Somalia kulammo gaar-gaar ah la yeelata madaxda Soomaaliya , si ay saamayn ugu yeelato doorashooyinka ka dhici doona dalka 2016

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *