Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweynaha Puntland Oo U Hambalyeeyay Ilhaan Omar, Omar Fateh iyo Jamal Osman.

Image may contain: 4 people, text that says 'Ilhan Omar Jamal Osman Omar Fatah'

Madaxweynaha Puntland Oo U Hambalyeeyay Ilhaan Omar, Omar Fateh iyo Jamal Osman.
Jabuuti : 12 August 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida Mareykanka guulaha ay ka gaareen doorashooyinka hordhaca ah, waxaana uu hambalyo u diray Ilhaan Omar, Omar Fatah iyo Jamaal Osmaan.
Ilhaan Omar ayaa markale ku guuleysatay inay Xisbigeeda Dimuqraadiga ku metesho degmada 5-aad ee Congresska Mareykanka, marka la gaaro Doorashada November. Omar Fatah ayaa isna ku guuleystay Golaha Senateka ee Gobolka Minnesota oo Soomaalidu aysan hore ugu guuleysan, halka Jamaal Osmaan uu isna hoggaaminayo codadka doorashada degmada 6-aad ee magaaladda Minneapolis.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen xubnahan oo dhammaantood reer Puntland ah, wuxuuna u rajeeyay guul waarta inay ka gaadhaan doorashooyinka dambe ee ay ku gaadhayaan himiladooda, Madaxweynaha ayaa ku booriyey inay dedaalka sii laba jibaaraan si ay uga gun gaadhaan yoolkooda, taasi oo guul u ah dhamman ummadda Soomaaliyeed.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *