Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha somaliya ayaa furay kalfadhiga baarlamaanka,kaasoo ah kii ugu dambeeyey

Madaxweynaha ayaa  hambalyeeyay guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada, hawshii wanaagsanayd ee ay qabteen muddada afarta sanno ku dhow ee baarlamaankan uu shaqeynayey.

“ Sannadkan wa idin horyaalla hawlo culus oo doorashadu ay ka mid tahay. Waxaan horay iskula garaney inaanay dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah. Waxaase jira nidaam kale oo aan ku heshiinay oo ah doorasho dadban. Baarlamaanka ayaan horkeenaynaa nidaamkaas si sharciyad loogu sameeyo. Mabda’a aan ku shaqeyneyno waxaa uu ku saleysan yahay in aan qabsano waxa aan maanta awoodno, isla markaana aan sharciyad u sameyno waxa aan qabaneyno inagoo wadajirna oo is oggol’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay inuu rajo badan ka qabo in Soomaaliya ay horay ugu sii dhaqaaqi doonto haddii la joogteeyo hannaanka wax isla oggolaanshaha ee haatan goleyaasha qaranka ay ku shaqeynayaan.

Bilahanba  waxaan ku guda jirnaan hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, burburki nagu dhacay kadib. Waxaan Baarlamaanka ka codsanayaa inay waqti badan,  iyo dulqaadba geliyaan hawlaha horyaalla kalfadhigan 8-aad ee xasaasiga ah. Waxaa mar dhow la idin soo gudbin doonaa natiijada ka soo baxda kulamada haatan Muqdisho inooga socda ee ku saabsan doorashooyinka. Waajibaadkiina inaad ka gudataan ayaan idin ka fadhinaa , idinkoo weliba eegaya duruufaha adag iyo marxaladda aan mareyno. Wixii aad u aragtaan inay sax tahay inaad nagu waafaqi doontaan ayaan filayaa, wixii aad u aragtaan inaan dib u wada saxnana diyaar baan idin nahay’’.

warkan waxaan ka soo qaatay sahal news.2

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *