Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweynaha somaliya ayaa lagu soo dhoweeyey magaalada jowhar

Waxaa maanta lagu soo dhoweeyey madaxweynaha dowladda federalka somaliya Mudane Xasan Sh Maxamud Magaalada Jowhar ee gobolka shabeelada dhexe halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen wasiiro xubno baarlamaan,gudoomiyaha gobolka Isimo iyo dadweyne fara badan,

Waxaa  dhowaan la filayaa in magaaladaasi uu ka furmo kulan shir oo larabo in maamul goboleed loogu sameey gobolada Hiiran iyo Shabeelada Dhexe,

Sidoo kale waxaa magaaladaasi gaadhey gudoomiyaha gobolka hiiraan ,ismo ,arday fara badan iyo xubno kala duwan oo ka socda ururada arimaha bulshada kuwaasoo ka soo kicitimay gololka hiiraan.

In muddo ah ayaa muran ka dhex taagnaa dadka u dhashay labadaasi gobol sidii ay go’aan uga gaari lahaayeen meesha shirka lagu qabanaayo,balse socdaalkii uu madaxweynuhu ku tegey magaalada Beledweyne dhowaa ayaa go’aan lagu gaarey in shirka lagu qabto Magaalada Jowhar Magaala madaxdana laga dhigo magaalada Buulaburde.

Waxaase layaableh Madaxweynaha laga sugayo Magaalda Kismaayo si uu uga qayb galo shirka go’aan ka gaaridda aayaha somaliya ee 2016ka oo ay kala weynaatey inuu ku dhex wareego maamul u samaynta laba gobol.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *