Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha somaliya farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey dalka itoobiya

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Bole International Air Port ku soo dhoweeyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaleg iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uga bilaabatay Addis Ababa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta labo cisho, waxaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxweynaha Itoobiya Mulato Tshome iyo ra’iisul wasaare Hailemariam.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa inta ay joogaan Addis Ababa booqan doono goobo kala duwan oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Federaalka Itoobiya.

Booqashadan ayaa  noqoneysa tii u horeysay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Addis Ababa, isagoo Madaxweyne ah, waxaa uu horay u booqday isagoo ra’iisul wasaare ah bishii December ee sanadkii 2010.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ahaa mid aad u hooseeyay tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la doortay horaantii bishii February, iyadoo xilligaas Itoobiya loo arkayay in aysan ku qanacsaneyn doorashadiisa, si gaar ahna u taageersaneyd Musharaxiin kale.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *