Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha somaliya iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo oo u ambabaxay dalka Ingriiska

9 May 2017 (Puntlandes) Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa saakay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde isagoo ku sii jeeda magaalada London ee Dalka UK, haakaas oo uu Madaxweynuhu ku shir gudoomin doono shir Caalami oo laaga hadlayo Arimaha Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha waxaa ku wehliyey R/wasaare ku-xigeenka Dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Madaxweynaasha Dowlad Gobaleedyada kala ah Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa raacay Diyaarada Turkish Airlines duulimaadkeeda tooska ah ee Muqdisho iyo Istanbul, waxaana ay caawa Transit ku noqonayaan Istanbul, iyagoo diyaarad kale ka qaadi doonta.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta dhankooda gaaraya London iyagoo ka ambabaxay Nairobi ee dalka Kenya oo ay safar shaqo ku tageen.

Shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa furmi doona 11-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista, iyadoo maalinta berri ay dhici doonaan shirar horu dhac.

Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir u shir guddoomin doona shirka.

235-1e4b

235-1f4b

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *