Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha somaliya maxamed c/lahi farmaajo ayaa la kulmay wasiirka socdaalka iyo jinsiyadaha dalka keneda

golaha_logo

12 May 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada London kula kulmay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada xildhibaan Ahmed Hussein oo ka mid ahaa madaxdii ka qeybgalay shirka looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee lagu soo gebagebeeyey magaalada London ee UK.

 235-2b5

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, dardar gelinta iyo kordhinta taageerada Dowladda Canada siiso Soomaaliya.

Madaxweyne Farmajo ayaa aad ugu amaanay wasiirka socdaalka Canada heerka uu ka gaaray siyaasadda Canada islamarkaana ay muujineyso dedaal dheeraad ah, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda Canada taageerada joogtada ah oo ay la garab taagantahay shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirka socdaalka qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada mudane Ahmed Hussein ayaa ballanqaaday inay dowladda Canada sii joogteyn doonto taageerada dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed ee ay ku caawineyso shacabka Soomaaliyeed,  isagoo farta ku fiiqay in xukuumadda Canada ay malaayiin doollar ku bixisay gurmadka abaaraha iyadoo laga jawaabayo baahida iyo dhibaatooyinka abaaraha iyo macluusha saameysay malaayiin qof oo ku sugan geeska Afrika si dadkaas u helaan cunno iyo biyo nadiif ah.

Puntlandes.com

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *