Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha somaliya oo sheegay inuu xooga saari doono horumarinta arimaha bulshada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay xoogga saarayso horumarinta adeegyada bulshada oo caafimaadka ugu horreeyo.

Maanta oo ku beegan 7-da April oo ah maalinta caafimaadka adduunka, ayaa Ururka Caafimaadka Dunida ee WHO warbixin ay soo saartay waxay ku xustey khatarta cudurka halista ah ee kaadi macaanka ama sokorowga loo yaqaan.

WHO waxay sheegtay in tirada dadka qaba xanuunkan sannadkii 2014 lagu qiyaasay inay gaarayeen in ka badan 400 oo milyan, taas oo afar jibbaar ka badan qiyaasihii 1980-kii oo ahaa 100 milyan oo qof.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xanuunka sokorowga ka sokow ay Soomaaliya ka jiraan xaalado caafimaad oo darran oo dowladda iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ay xoogga saarayaan sidii wax looga qaban lahaa.

“Si waddan uu horumar u gaaro waxaa muhiim ah in la helo bulsho caafimaad qabta. Waxaan xoogga saaraynaa caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, ka hortagga cudurada kala duwan ee khatarta ku ah bulshadeena. Wasaaradda Caafimaadka, laamaha kale ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga waxay ka wada shaqeynayaan sidii dib si buuxda loogu soo nooleyn lahaa adeegyadii caafimaad ee waddanka’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ruux walba oo Soomaali ah oo dalka ku sugan uu xaq u leeyahay inuu helo adeeg caafimaad oo dhameystiran, lana filayo in mustaqbalka dhow hadafkaasi la gaaro

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *