Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha turkiga oo yimid magaalada muqdisho

Waxaa manta si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha turkiga magaalada Muqdisho MR ERDOGAN

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan dowladda, Diblomaasiyiin caalami ah iyo Masuuliyiinta Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha turkiga Garoonka diyaaraddaha magaalada Mudisho ee Aadan Cadde International.

Isla markiiba soo dhaweyta ka dib labada madaxweyne waxa ay u gudbeen safaaradda Turkiga ee Muqdisho halkaas oo ka daah furantay Xaflad balaaran oo ay labada Madaxweyne xariga kaga jari doonaan Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho taa soo ah safaarad turkigu leeyahay tii ugu weyneed oo la furo.

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa siweyn u hadal haya imaanshaha markale maantamadaxweynaha Dalka Turkiga, iyadoo la arki karay wadooyinka magaalada oo ay hareeraha ka taagan yihiin Shacab Tira badan kuwas oo soo dhaweynayay madaxweynaha Turkiga.

Amaanka magaalada ayaa ahaa wixii ka dambeeyay qarixii shalay ka dhacay Muqdisho mid aad u adag oo aan jirin wax dhaq dhaqaq ah inkastoo suuqayada magaaladu ahaayeen kuwo si caadi ah u shaqeynayaturki

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *