Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne axmed islan oo magacaabay gudiga doorashooyinka jubbaland

Madaxweynaha Jubbaland ayaa magacaabay xubnahan markii uu latashiyo kala duwan la yeeshay Kuxigeenadiisa iyo Odayaasha dhaqanka ee beelaha Jubbaland.

Guddigan waxay si toos ah ula shaqeyn doonaan Guddiga doorashada Heer Faderaal ee uu horey u magacaabay Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay noqon doonaan kuwa qabanaya shaqada ugu badan.

Magacyada guddigan ayaa kala ah.

1.Cabdi Cali Raage
2. Maxamuud Xassan Cilmi
3. Maxamed Wali Cabdullaahi Cumar

4. Maxamed Cusmaan Gaab
5. Axmed Maxamed Cumar
6. Xasan Maxamed Xasan
7. Ladan Xirsi Ismaaciil
8. Khadiija Maxamed Ibraahim

Xubnahan 8-da ah ayaa lagu biirin doona 3 qof oo kale, kuwaas oo ay soo magacaabi doonaan Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, maadaama ay kala shaqeyn doonaan arrimaha doorashada 2016.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *