Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo la kulmay wasiirka arimaha dibada ee dalka itoobiya

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiwali  Gaas oo hadda ku sugan dalka Itoobiya ayaa la kulmay Wasiirka arimaha dibada dalka Itoobiya ,waxaan la filayaa inuu isna la kulmi doono Ra’iisulwasaaraha dowladda Itoobiya, iyagoo ka wada hadli doona arrimaha Siyaasada & Iskaashiga labada dal iyo weliba  dhinac.nabadgelyada.Dowladda Itoobiya had iyo jeer waxaa caado u ah in markasta oo dowlad goboleedada iyo federlku is qabtaan iney noqoto dilaalka u dhexeeya ,wakhti walbana caado ka dhigatay iney ahaato cidda iska leh go’aanka ugu dambeeya arimaha somaliya.

Madaxweyne Gaas oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha dibada ee Itoobiya, iyagoo ka wada hadlay Iskaashiga labada dhinac iyo arrimaha doorashada.

Madaxweynaha ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya in ay Puntland qaadatay go’aan cad oo ku saabsan arrimaha Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya, loona baahan yahay dawladdaha deriska ah in ay qeyb ka qaataan sidii Soomaaliya looga saari lahaa nidaamka 4.5, kaas oo ay Puntland ku sheegtay mid aan marnaba la jaanqaadi karin horumarka Soomaaliya.

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay Soomaaliya ka dhacdo nabad gelyo iyo daganaansho, isla markaasna aytaageerayso in ay dhinacyada Siyaasada Soomaalidu is fahmaan, isla markaasna ay meesha ka baxaan kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeya labada dhinacba.Isagoo oo hadalkiisa ay ka ka dhex muuqaneysey nidaamka 4.5 oo horay ay dowladda puntland uga diidey dowladda federalka ah oo go’aankaas iyadu gaadhey, waxaynu ognahay in dowladda Itoobiya ay saamayn ballaaran ku leedahay siyaasadda somaliya iyo guud ahaanba go’aan qaadashada dowlad goboleedada iyo kan federalkaba.

 

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *