Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweyne Deni oo Barkamaanka ka codsaday in wakhti loogu Daro xiliga uu Dowlada ku soo magcabayo

Baarlamaanka Puntland ayaa cod aqlabiyada ku aqbalay codsi Madaxweyne Deni ku dalbaday muddo kordhin loogu sameeyo, wakhtiga laga rabo inuu soo dhiso Xukuumadda cusub ee Puntland.

Madaxweyne Deni oo maanta hor yimi Baarlamaanka, wuxuu codsaday 15 cisho oo muddo kordhin ah.

Dastuuriyan waxaa laga rabay Madaxweynaha inuu xukuumadiisa magacaabo ugu danbeyn 29ka bishan, waxaana uu codsaday oo laga aqbalay in xukuumadda laga sugo illaa 14ka bisha labaad.

45 xildhibaan ayaa u codeysay oo aqbashay codsiga Madaxweynaha, waxaa ka codeeyay 1 xildhibaan, waxaana ka aamusay 4 xildhibaan.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *