Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne farmaajo ayaa furay shir looga hadlaayo amniga dalka

06 Feb 2018 (Puntlandes) Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaana looga hadlayaa Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah shirka guddoomiyaha ayaa furay kulanka waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Muddada uu socdo kulamada shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeynayo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxa uuna leeyahay guddiyo hoosaad iyo xeer anshax.
28

28a

28a1

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *