Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay Sacuudiga

14 April 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa u dhoofay boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta oo maalinta berri furmaya.

20

Madaxweynaha ayaa waxaa Sacuudiga uga sii horeeyay wafdi horudhac ah oo uu hoggaaminayay Wasirika Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Axmed.

Shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta ayaa sanadkan looga hadlayaa arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagixisada, iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin xaalada Yemen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo horumaradii ay gaartay dowladdiisa mudadii sanadka aheyd.

Inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay Sacuudiga ayuu kula kulmi doonaa Madax ka socota dalalka Carbeed ee shirka ka qeyb galaya.

Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *