Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne farmaajo iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo oo u dhoofay dalka suudaan

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii ugu ballaarnaa oo uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Khartoum ee dalka Sudan, kaddib markii uu martiqaad rasmi uu ka helay dhiggiisa Sudan Jeneraal Cumar Xasan Al-Bashiir.

Wafdigan Madaxweynaha ayaa ah kii ugu ballaarnaa ee abid hoggaamiyo oo dal dibada u dhoofa, waxaana ay gaarayaan sodomeeyo xubnood oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, saraakiil, agaasimayaal iyo wariyeyaal laga waday qaar ka mid ah Telefishinada Soomaalida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu la kulmo dhiggiisa Sudan, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, iskaashi, dhaqanka iyo arrimo kale, waxaa la sheegayaa inuu jiri doono heshiisyo ay kala saxiixanayaan Wasiirada labada dal.

Booqashada Madaxweynaha ayaa la sheegay inay qaadan doonto labo cisho, waxaana inta uu ku sugan yahay Khartoum uu booqan doonaa goobo kala duwan, sida Jaamacadaha ugu caansan dalkaas ee ay wax ku bartaan Ardayda Soomaaliyeed, horayna uga soo baxeen siyaasiyiin dalkan xil ka soo qabtay.

Qaban qaabada soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo shalay laga dareemayay magaalada Khartoum, waxaana dhowr cisho ka hor gaaray xubno ka mid ah Madaxtooyada oo ku jira Hab maamuuska Madaxweynaha, kuwaasoo diyaarinayay soo dhoweyntiisa.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Sudan ayaa noqoneysa tii shanaad oo Gobolka ah, waxaa uu horay u booqday dalalka Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Kenya oo intaba xubin ka ah Urur goboleedka IGAD.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *