Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho

07 Feb 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi.

47b

Sida lagu faafiyay Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka, kulanka ayaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka ee Soomaaliya iyo Imaaraadka u dhexeeya qaabkii lagu horumarin lahaa si looga guul keeno dana wadaagga labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Isutagga Imaaraadka Carabta taageeradooda joogtada ah ee dhinacyada badan leh ee ay u fidiyaan Soomaaliya, isagoo xaqiijiyay in la adkeeyo qoto dheerida xiriirka taariikheed ee kulmiya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sallaan u sii mariyay Safiirka Imaaraadka, Madaxweynaha Imaaraatka Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan., Madaxweyne kuxigeen ahna Ra’iisul wasaaraha iyo Xaakimka Dubai Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Dhaxalsugaha Abu Dhabi iyo Taliye kuxigeenka sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, isagoo u rajeeyay shacabka Imaaraadka horumar iyo barwaaqo.

Dhankiisa, Safiirka Imaaraatka ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo carabka ku adkeeyay in Imaaraatku sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu u fidiyo Soomaaliya.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa kulamo la yeelanayay Mas’uuliyiinta dowladda, waxaana ugu dambeeyay kulan uu la qaatay La Taliyaha Amniga Madaxweynaha Cabdisaciid Muuse Cali oo la rumeysan yahay inuu ahaa ninka ka shaqeeyay kulanka Safiirka iyo Madaxweynaha.

Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *