Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo ka hadlay dilkii taliyaha qeybta Booliska gobolka Hiiraan

Kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle ahna Madaxweyne ku xigeen Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa  ka hadlay dhacdadii shalay  lagu dilay taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan  Maxamed Mocow Xalane.

Cali Guudlaawe Xuseen ku simaha Madaxweynaha Hirshabeellle ayaa isagoo kula hadlayay warbaahinta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle  waxa uu ugu baaqay shacabka Hirshabelle inay is dejiyaan ammaankana lagu dadaalo.

“Cid kasta oo qeyb ka ah dilkii taliyihii qeybta gobolka Hiiraan  Maxamed Mocow Xalane ha noqoto cidii dishay,cidii soo dirtay iyo cid kasta oo kiiska lugta la galaba sharciga ayaa la horkeeni doonaa waxaan baaritaan wadajir ah ku sameyn doona maamulka Hirshabelle iyo dowlada federalka.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Dhinaca kale Madaxweyne kixigeenka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe xuseen ayaa ka tacsiyeeyay  ehelada iyo dhamaan umadda reer Hirshabeelle, geerida marxuum Maxamed Macow Xalane isaga oo u rajeeyay  caafimaad taam ah taliye ku xigeenkii saldhigga booliska Beledweyne.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *