Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne ku xigeenka p/l ayey su,aalo weydiiyeen baarlamaanka p/l

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Eng Abdihakiim Xaaji Cumar Camey ayaa sidda sharciga ah maanta khudbad furitaan ah ka jeediyey fadhigii gollaha baarlamaanka Puntland ay iskugu yimaadeen, kaas oo aan caadi aheyn ama ka soo hormaray waqtigiisii.

xubnaha baarlamaanka oo u diyaarsanaa Su’aalahan ay weydiinayeen Madaxweyne kuxigeenka ayaa ka weydiiyey dhinacyada, Abaaraha, Amniga, Ciidamada, La dagaalanka Al- Shabaab, Maxkamadda Dastuuriga dhismaheeda, Wada hadalka dawladda Faderaalka & Arrimo kale.

Base waxaan ognahay inaanu ahayn qofkii ku haboonaa in la weydiiyo suaalo ku saabsan qaab siyaasadeedka ay puntland hadda u socoto ,sababta oo ah marnaba kagama qayb gelin kulamadii laguna yeelaayey 4.5ka ama lagu diidaayey 4.5ka  .jawaab kasta oo uu ka bixiyaana waa warwarkii ama ku tiri kuteen loogu sheekeeyey .waayo .ma joogin meesha lagaga hadlaayey qaadashada 4.5ka waayo wuxuu ku maqnaa magaalada Boosaaso  oo Garooweba ma joogin.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in ay u qaateen Nidaamka 4.5 si loogu daneeyo Arrimaha Masiiriga ah ee Soomaaliyeed, wuxuuna cadeeyey in ay wax badan u samreen danta Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne kuxigeenku Askartii dhimatay arrimaheeda ayuu aad ugu dheeraaday, wuxuuna cadeeyey in wax badan laga qabtay dhaawacii iyo dhimashadoodii soo gaartay ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland .dhaawacii ITOOBIYA la geeyey ayaa madaxweynuhu ku booqday dhakhtarkii ay ku jireen halkaasi oo uu sheegay in dhaawaca qaarkood loo qaadi doono dalka HINDIYA si loogu soo daweeyo.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *