Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabilay wefti ka socda qm

Ku simaha wadaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland  Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa  qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafti uu hoggaaminayey ku-xigeenka wakiilka xog-haya guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa u qaabilsan Soomaaliya dhinaca aadanaha kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro, Hay’adda Waddooyinka Puntland,Taliska Ciidanka Police ka Puntland iyo Agaasmiha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland, halka dhinaca hay’adaha qaramada midoobeyna ay uga soo qayb galeen Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Madaxa UNDSS ee Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay hay’adaha WHO, IOM iyo UNAIDS oo dhammaantood kamid ahaa waftigii uu hoggaaminayey Peter de Clercq.

 socdaalka waftigu ayaa salka ku hayey gurmadka abaaraha ka jira Puntland iyo doorkii ay ka qaadan lahaayeen hay’adaha qaramada midoobey ee ka hawl gala Puntland iyo sidoo kale sidii loo dar-dargelin mashaariicda ay qaramada midoobey kawado Puntland.

Dhinaca kale Peter de Clerc ayaa Madaxweyne ku-xigeenka uga war-bixiyey halka uu marayo baaqii dawladda Puntland ay u dirtay hay’adaha qaramada midoobey ee ahaa in ay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha xilligan ka jira Puntland, waxaana uu sheegay in hay’adaha oo dhammi ay samaysteen qorshayaal cusub oo ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka abaaraha sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladda Puntland ay waddo dedaallo ay kula tacaalayso abaaraha baahay ee ka jira Puntland isla markaana ganacsatada iyo bulshada rayidka ahiba ay iyaguna ka qayb qaateen gurmadka abaaraha balse weli uu meesha ka maqan yahay doorkii qaramada midoobey, loogana baahan yahay hay’adaha qaramada midoobey in ay qaybtooda ka qaataan abaaraha saameeyey dadkii iyo duunyadiiba ee ka jira Puntland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *