Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweyne Waare “Waxaan dayactiri doonaa dhammaan waddooyinka Hirshabelle” (Sawiro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in  maamulkiisu uu dayactir ku sameyn doono wadooyinka burbursan ee Hirshabelle isla markaana warshad lagu gasacadeeyo kalluunka ka furi doonaan degmada Warsheekh.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa warkan ka sheegay goob fagaare ah oo xalay ay boqolaal ruux  isugu  soo baxeen bartamaha degmada xeebta ku taal ee Warsheekh.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Warsheekh kadib markii ay ambabaxeen magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe oo shalay gelinkii hore ay gaareen.

Xaflad soo dhoweyn ah oo loo sameeyay wafdiga ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala gedisan oo  ka turjumaya wadaniyadda iyo kheyraadka dalkeena iyo sida loogu baahanyahay in laga faa’deysto ku soo bandhigay fanaaniin ay ka mid ahayd fanaanada Nadar Axmed Cilmi, iyadoo suugaantaasna ay u riyaaqeen ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” oo munaasabadii xalay ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhoweyntii loo sameeyay, waxaana reer warsheekh uu ku ammaanay nabadda ay heystaan iyo ilbaxnimada ay u leeyihiin marti soorida.

Sidoo kale  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa isna muujiyay sida ay uga go’antahay in la isku garab istaago nidaamka dowliga ah lagana shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa deegaanada maamulkani uu ku abtirsado, waxaana Madaxweyne Waare oo xaqiijiyay in dhowaan Warsheekh ay ka furi doonaan warshada sameysa kaluunka gasaceysan maadaama Warsheekh uu ilaah ku maneystay Xeeb aad u qurux badan oo dhex caagaagan Nimcada ilaahay.

Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa ka codsaday Qurbo joogta Soomaaliyeed iyo kuwa ku abtirsada maamulka in ay maalgashadaan deegaanada Hirshabelle, waxaana ka maamul ahaan uu balanqaaday In ay la shaqeyn doonaan, waxaana carabka ku adkeeyay in dhowaan ay dhisi doonaan Wadooyinka isku Xira Muqdisho iyo Jowhar, Warsheekh Iyo Balcad, iyo dhamaan Wadooyinka Maamulka ee bur bursan.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, Siyaasi Jibriil Ibraahim Cabdulle, Xildhibaanad Mina Xasan Shibis, Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabelle Mudane Maxamed Cali Caadle oo iyagana munaasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay qiimaha ay leedahay in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle, waxaana Madaxweyne Waare ay u rajeeyeen in ilaah uu ka dhigo kii dadka dalka horumar gaarsiiya waxaana ay balanqaadeen in ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha.

Booqashada uu xalay ku tegey Madaxweyne Waare degmada Warsheekh oo uusan raacin diyaarad ayaa waxa ay ka turjumeysaa ammanaka ka jira degmooyinka gobolka Sh/dhexe iyadoo Madaxweynaha iyo wafdiga uu horkacayo oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe ay gelinkii hore ee shalay ay gaadiid ugaga soo baxeen magaalada Jowhar iyagoo ku sii hakaday degmada Balcad kadibna u sii gudbay degmada Warsheekh.

JOwhar

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *