Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne xasan oo dib ugu laabtay muqdisho ka dib markuu faro maran kala tegey beledwyne

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo maantadii hore tagey magaalada Baladweyn ayaa caawa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, isagoo waxba xal ah ka soo waayay Odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan oo diidey gabi ahaanba in ay tagaan magaalada Jowhar ee gobalka Shabeelada Hoose.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ayaa u bandhigay Odayaasha Baladweyne in ay tagaan magaalada Jowhar, kana qeybgalaan shirka magaaladaas ka socda, laakiin Odayaasha ayaa diidey warka Xassan Sheekh Maxamuud.

Odayaasha Beelaha gaar ahaana Isinka guud ee Beesha Xawaadle ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aysan aqbali doonin, wuxuuna u cadeeyey dawladda Soomaaliya in ay faragalin siyaasadeed oo mug weyn ku leedahay shirkaas, aynsana Bulshada gobalkaas raali ka noqon doonin faragalin dawladeed.

Ugaas-ka ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in gobalka Hiiraan uu buuxin karo kaligiis hanaanka dhismaha maamul Gobaleed, isagoo sheegay in ay mari doonaan wadiiqadii ay mareen kooxda Cadaado, maadaama la jabiyey sharcigii dalka.

Xubno aad ugu dhaw shirarkii socdey ayaa sheegay in aysan waxba is afgarad ah gaarin dhinacyadu, isla markaasna madaxweynaha dawladda Soomaaliya uu dib ugu laabtay caawa maqribnimadii magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, isagoo berri u duulaya dalka Indonisa oo uga qeybgali doono shir gaar ah.

warkan waxaanu ka soo qaadanay sahalnews

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *