Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne xasan oo sheegay iney muqdisho aqalka sare ee baarlamaanka kuraas ku yeelan doonto

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay yeelaneyso maqaam gaar ah, isagoo cadeeyay caqabada ka dhalatay matalaad la’aanta Aqalka sare ay tahay in aan wali la sameyn maqaamka ay yeelanayso magaala madaxdu.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka uu ku qoran yahay in magaalada Muqdisho ay tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in maalmaha soo socda wada tashi badan laga geli doono sidii ay matalaad ugu yeelan laheyd Aqalka sare ee Baarlamaanka.

“Magaalada Muqdisho maqaam gaar ah oo la sameyn doono ayay yeelaneysaa, maqaam gaar ah wali lama sameyn waa waxa caqabada keentay, hada waxaa socda wada xaajood iyo wada tashi badan, madasha qaran ayaa maalamaha soo socda Muqdisho shirkooda uga furmi doona, waana laga wada hadli doonaa”ayuu yiri Madaxweynaha.

“Labo Milyan illaa saddex milyan oo ruux inay wakiilo ku lahaadaan Aqalka sare waa Ra’yi sax ah oo dad badan oo Soomaali ay qabaan, farsamadeedana waa la galayaa,

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *