Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne xasan oo u dhoofay dalka itoobiya (shirka madaxda igad)

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa goor dhaw ka anbabaxay magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.oo uu u hayto in dalka somaliya yahay gobol ka mid ah dalka itoobiya , caadana uu ka dhigtay in shir kasta oo somaliya ka dhaca uu warbin ka siiyo dowladda itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu horkacayo ayaa lagu waddaa in magaalada Addis Ababa uga qeyb-galaan shir madaxeedka urur gobolleedka IGAD oo halkaa ka furmaya, kaa oo qodobada looga wadda hadlayo qeyb ka tahay xaalada Soomaaliya gaar ahaan geedi socodka arrimaha doorashooyinka.

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya maalin kaddib markii magaalada Muqdisho uu ku soo idlaaday shirkii madasha-wadda-tashiga ee hogaamiyayaasha Soomalida, kaasoo lagu go’aamiyay waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo dhici doonta ilaa 28ka bishan December.

Marka laga soo tago ka qeyb-galka shirka, madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda qaarada ee shirkaasi ka qeyb-gali doona. bishii kow iyo ttobnaad ee sanadka 2016 saddex jeer ayuu booqday dalka itoobiya ,isagoo isagoo weydiisanaya iney ka caawiyaan sidii uu mar labaad doorashada ugu guulaysan lahaa.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *