Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxwyne ku xigeenka p/l oo uga hambalyeeyey baarlamaanka p/l ansixintii gudiga doorashooyinka p/l

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng C.xakiin C/laahi Cameey ayaa u hambaleeyay gudiga doorashooyinka Puntland isagoo bogaadiyay ansixintii ay golaha baarlamaanku  ay shalay ansixiyeen

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ku tilmaamay xubnaha guddiga in ay ka kooban yihiin dad aqoon yahan ah isla markaana waayo-aragnimo dheeraad ah u leh arrimaha noocaan ah.

Sidoo kale waxa uu xusay kusimaha Madaxweynuhu in guddigaani ay haystaan firaaqo ka badan tii ay haysteen guddigii iyaga ka horreeyey isla markaana looga baahan yahay in ay dardar geliyaan hawlaha shaqo ee ay bulshada Puntland madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlayay xaflada lagu dhaarinayay gudigan ka kooban 9-ka xubnood ayaa eebbe uga baryey guddiga in uu u fududeeyo shaqooyinka baaxadda leh ee loo igmaday, sidoo kalena waxa uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan guddiga si’ waddanka loo gaadhsiiyo doorashooyin hal-qof iyo hal-cod ah.

waxaan ogeyn in dowladdii faroole ay horay u samaysay gudigan oo kale balse aaney hir gelin ka dib markii gobolada qaarkood diideen in doorasho ay ka dhacdo p/l

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *