Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

magaalada dhuusamareeb :madaxweyne farmaajo oo kala wareegey ciidamo ahlu suna

Dhuusamareeb  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wareejiyay Guuto ka tirsan Ciidamada Ahlusuna ee Gobolada Dhexe, kuwaasoo ka mid noqonaya Ciidamada dowladda Federaalka.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Ahlusuna ay heshiis la gaartay Galmudug, isla markaana ka mid noqotay Maamul goboleedka Galmudug.

Munaasabad ciidamada loogu wareejinayay dowladda Federaalka ayaa waxaa ka hadlay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo horay u ahaa Hoggaamiyaha Ahlusuna ee Gobolada Dhexe, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in ciidamada ku wareejiyaan dowladda Federaalka.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Ciidamadan ay yihiin kuwo ka dhowrsan waxyaabaha mukhaadaraadka, isagoo kula dar daarmay Shabaab inay ka saaraan deegaanada gobolada dhexe.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka C/wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in soo dhoweynayaan ciidamadan lagu wareejiyay dolwadda Soomaaliya, isla markaana loo bixin doono magac cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo gabagabadii ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inay farxad u tahay in ciidankan lagu wareejiyay dowladda Federaalka, isla markaana ah ciidan dalkooda, dadkooda iyo diintooda difaacay.

Waxaa uu ku ammaanay in ciidamadan ay ka difaaceen Gobolada Dhexe Al-Shabaab, isla markaana ay ku abaal marinayaan inay ka mid noqdaan Ciidamada dowladda Federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *