Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

magaalada janaale iyo xerada daynuuni ayey ciidamada amison iyo kuwa dowladdu la wareegeen

magaalada janaale iyo xeraga deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa ah kuwo degan, kadib dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaankaas oo saldhig u ahaa Ciidamada xoogga dalka.

ururka afka duubta Ayaan ognahanay iney weerar ku qaadeen xerada daynuuni oo gacanta ku dhigay.Sida ay sheegayaan wararka ciidamada dowladda ayaa dib ugu laabtay deegaankaas oo qiyaastii Baydhabo u jira 30KM

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka dileen tiro dagaalyahan, isla markaana ay haatan gacanta ku hayaan deegaanka Daynuunay.

Al-Shabaab oo saaka gudaha u galay deegaankaas ayaa muddo kooban la wareegay, iyagoo ka qaatay gaadiid, waxaana saacado ay aheyd mid haawanaysay oo aanay cidna ku sugneyn, markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Dagaalka ka dhacay Daynuunay ayaa ahaa mid saacado badan socday, waxaana jira khasaare labada dhinac soo kala gaaray.

Ciidamo gurmad ahaa oo ka baxay Baydhabo ayaa ayaa la sheegayaa iney dib ula wereegeen xeradaasi oo saaka lagu dagaalamay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *